Agaasime Iidle oo ka Qayb-galay Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Gabdho Suxufiyiin ah oo la baray Video Editing: SAWIRRO

0
361

Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda ee maamulka Gobolka Banaadir, mudane Cabdinaasir Xersi Iidle ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey 22 gabdhood oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa fulinayay ururka gabdhaha suxufiyiinta ah ee SWJ oo kaashanaya safaaradda Mareykanka iyo Machadka Astaan.

Gabdhahan ayaa muddo afar bilood ah baranayay Vedio Editing iyo Graphic Design, waxaana xirfadda ay muhiimad u leedahay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Agaasime Iidle ayaa safaaradda dowladda Mareykanka ka codsaday in ay badiyaan tababarka noocan oo kale ah, ayna siiyaan gabdhaha kale ee weriyaasha ah, si kor loogu qaado aqoontooda warbaahineed.

Sidoo kale, Agaasimaha oo ku hadlayey magaca agaasimayaasha warfaafinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa u mahad-celiyey ururka SWJ, Astaan iyo Safaaradda Mareykanka.

Ugu dambeyn, Fartuun Sheekh Xuseen iyo Maymuun Aadan Cageey oo ka mid ah shaqalaaha warfaafinta gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa gabdhaha bartay Video Editing-ka iyo Graphic Design-ka oo ah naqshadeynta sawirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here