Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ku siiyay dadka ku nool Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay ka guuraan: SAWIRRO

0
340

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar ku siiyay dadka ku nool xaruntii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku taalla degmada Boondheere inay uga guuraan muddo toddoba maalmood ah, si wasaaraddu ay dib u dhis ugu sameyso looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadka ku nool dhismaha wasaaradda la siiyay muddo bil ka badan, balse uu waqtigu ka dhamaaday, maamulka Caasimadduna uu ugu daray muddo toddobaad ah si ay uga guuraan.

Odayaasha deegaanka ayaa ka madax-adaygay inay ka guuraan goobta, waxaase maamulka gobolka uu sheegay in amar la siiyay hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Boondheere inay ka shaqeeyaan sidii xaruntaas ay uga guuri lahaayeen shacabka ku nool muddada dheer.

Ugu dambeyn, muddada toddobaadka ah ayaa looga fadhiyaa inay shacabka ku nool xarunta wasaaradda arrimaha gudaha uga guuraan halkaas, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in wasaaradaha dowladda ay ku shaqeeyaan xarumahoodii hore, kuwii ay ka burbureenna ay dib u dhisi ugu sameystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here