Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir MD Cali Cabdi Wardheer (Cali Yare) ayaa maanta Magaalada Caasimada ee Muqdisho kulan qado sharaf ah ugu sameeyay ciyaartoyda xulka Heyland ee dhawaan ku guuleystay koobkii Gobollada Puntland.
Cali Cabdi Wardheer (Cali Yare) Gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo Munaasabad Qado Sharafta ah ka hadlay ayaa tilmaamay in Cayaaraha ay yihiin isdhaxgal Bulsho, cafimaad iyo ka hortagga cudurro badan oo aanfeeyay dalkeena iyo dunida inteeda kale.
Md Cali Yare ayaa u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qeeyb galay kulanka qado sharafka ah ee uu u sameeyay ciyaartoyda xulka Heyland.














