Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo dhexmaray gobolka Banaadir, iyo hay’adda UNOPS.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Jimcaale, iyadoo looga hadlay arrimo la xiriira dhismaha kaabayaasha Gobolka Banaadir iyo xoojinta wada shaqeynta UNOPS iyo Gobolka Banaadir.
Ugu danbeyntii waxaa la isku afgartay in wadashaqeynta uu saldhiggeedu ahaado qorshaha shanta sannadood ee Gobolka Banaadir iyo howlaha horumarineed ee gegmooyinka Gobolka.















