Sawirro: Ra’iisul Wasaare ku-xgeenka XF Somalia iyo Mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Sama-falka oo gaaray Baydhabo: VIDEO

0
456

Raiisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo si uu ugu kuur-galo xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-nino).

Mudane Saalax oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Hay’adda SoDMA, kuwo ka socda hay’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa booqday xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowladda Koonfur-galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagaren) iyo sidoo kale hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, Isagoo kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ugu dambeyn, RW k-xigeenka dalka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here