Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa hadal ka jeediyay Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku qabsoomay Magaalada Dooxa maalmaha 27-28 Luulyo. Shirka oo ay martigelisay Dowladda Qatar, ayaa waxaa daah-furay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar, Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa la aas’aasay sanadkii 2007 si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada la isku dubariday ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkani ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wax-wadaagga iyo dib u eegista horumarka laga gaaray dhinacyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.
Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulihii ugu dambeeyay ee qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin in 23 saldhig ciidan oo caalami ahaa, lagu wareejiyay ciidamada qaranka, lana dhisay 20,000 oo askari oo cusub, isaga oo ku baaqay in si weyn looga taageero dalka dhinacyada muhiimka ah sida saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca lagu sameeyo iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka kadib markii deymaha laga cafiyay, isagoo ku baaqay maalgashi la jaan-qaadaya Qorshaha Isbeddalka Qaranka (2025-2035) iyo Hiigsiga 2060. Wuxuu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isagoo muujiyay fursadaha ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta.
Mar uu ka hadlayay Wasiirka arrimaha isbeddelka siyaasadeed, waxa uu tilmaamay horumarka laga gaaray geedi-socodka federaalka, qabyo-tirka dastuurka, iyo u diyaar garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyay taageerada dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka, caddeeyayna in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalimaha dhalinyarada iyo haweenka.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bani’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu ka mid yahay, Sanduuqa gaarka ah ee horumarinta Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in la dedejiyo taabagalkiisa. Wasiirku waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi dabagal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka si ay ula socdaan geediga, korna loogu qaado wadashaqeynta.
Wasiirka ayaa gabagabadii u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka sida joogtada ah ee ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay u noqon lahayd dal xasilloon, isku tashta, isla markaana nabad ah.













