Tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaanka ee Idaacadda Codka Caasimadda ayaa maanta wejigiisa labaad waxaa ku tartamay degmada Warta-nabadda iyo deegaanka Gubadleey ee gobolka Banaadir.
Wuu u dhacay sida tan
Qeybta Hore :Waxaa ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamar Jajab.
Waxaa Adkaaday degmada Yaaqshiid oo urursatay dhibco chan 12, degmada Xamar jajabna waxay keensatay 9 dhibcood.
Qeybta labaad: Waxaa ku tartamay Degmada Warta Nabada iyo Deegaanka Gubadley.
Deegaanka Gubadley ayaa ka guuleystey degmada Warta nabada waxayna keensadeen 21 dhibcood halka degmada Warta nabada ay ka keentay 18 dhibcood.
Waxaa beri ku tartami doono insha’alla
Hodon Vs Xamar Weyne. 11.00AM
Waaberi Shibis. 12.30PM