Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.
Kulanka dhexmaray Duqa Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo hawlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiiggooda iyo naftooda.
Dhanka kale, Danjire Souef ayaa xusay in ciidamada ATMIS ay sii wadi doonaan taageeradooda ku aaddan cirib-tirka Khawaarijta iyo dardargalinta hawlgallada ka socdo dalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay garab-istaaga hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasoo keentay in ciidanka xoogga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.
Ugu dambeyn, ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa hawlgalka ATMIS ayaa sheegay in ka hor December 2024-kii oo xilliga u qorsheesan inay soo gaba-gabeeyaan hawlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.














