Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka, gobolka Banaadir, mudane Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay agaasimaha isbitaalka Racep Tayyip Erdogan (Ex Digfeer), mudane Dr. Mevlut karataş iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Labada dhinac ayaa isla meel dhigay hirgelinta xarumo cusub oo lagu kordhinayo isbitaalka Erdogan oo ay ugu horreeyaan xarun gaar ah oo loogu tala-galay in wax looga qabto caruurta xad-gudubyada lagula kaco iyo xarunta daryeelka caafimaadka caruurta darbi-jiifka.
Ugu dambeyn, Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd agaasime ku-xigeenka waaxda agoonta iyo daryeelka caruurta gobolka Banaadir, Ilhaan Aweys ayaa looga hadlay dardargelinta tababarrada uu isbitaalka Erdogan siiyo dhallinyarada xirfadleyda ah si sare loogu qaado aqoontooda dhanka caafimaadka.














