Guddoomiye Yabooh oo dhagax-dhigay waddo Interlock ah oo isku xiraysa Xamar Bile iyo Maalin Taajir, Warta Nabadda: SAWIRRO

0
215

Ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhigay waddo Interlock oo hal kiilo mitir ah, taasoo isku xiraysa Xamar-bile illaa iyo Maalin Taajir ee Degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamuud Xaabsey oo dhagax-dhigga goob-joog ka ahayd ayaa sheegtay in maamulka degmada Warta Nabadda iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ee ka qayb-qadanayaan dhismaha waddadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada ku dhaqan degmada Warta Nabadda.

Ku-simaha Duqa Muqdisho ahna guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhankiisa xusay in maamulka gobolka Banaadir uu xoogga saarayo horumarinta adeegga kaabayaasha isku socodka dadweynaha, haddii ay noqon lahayd waddooyinka laamiga ah iyo kuwa xaafadaha ee Interlock, si caasimadda Muqdisho ula jaan-qaaddo caasimadaha kale ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here