Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Booliiska oo booqday Ciidammo kusoo biiray booliiska ilaalada deegaanka Xamar: SAWIRRO

0
294

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta gaadiidka ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo dugsiga tababbarka ciidanka booliiska ee Jen. Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya ciidanka booliiska iyo ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay dugsiga sare iyo jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa inay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada booliiska iyo kuwa Ilaalinta deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qayb uga noqdaan sugidda amniga iyo bilicda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here