Agaasimaha caafimaad gobolka Benaadir, Dr Cabdiraxmaan axmed Maxamud oo ay wehliyaan xoghaya degmada Deyniile iyo isu-duwaha caafimaadka degmadaas ayaa booqday xeerooyinka ku yaalla degmada Deyniile, halkaas oo ku soo barakaceen dadka ay saameeyeen roobabka xooggan ee ka da’aya gobollada dalka.
Agaasinka caafimaadka ayaa degmadaas markii ugu horreysay gaarsiiyay gaari (Mobile team) kaas oo goob walba taga una adeegaya hooyada iyo dhallaanka barakaca ah.
Agaasimaha caafimaad gobolka Benaadir, Dr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in iyadoo laga jawaabayo amarka gudoomiyaha gobolka Banaadir lagu diyaariyay isla degmadaas shan goobood oo ay ku shaqeenayaan koox ka tirsan shaqaalaha caafimaad gobolka Banaadir si ay caafimaad degdeg ah saacad walba u gaarsiiyaan dadka barakaca ah.
Sidoo kale, waxaa uu tibaaxay in ay sii kordhin doonaan adeegyadda caafimaad ee la gaarsiinayo dadkan barakaca ah ee soo gaaraya duleedka Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa kordhiyay gurmad uu u fidinayo dadka danyarta ah ee kasoo barakacay fatahadaha ka dhashay roobabka deyrta, kuwaas oo loo saameynayo gargaar caafimaad, talaal iyo in dawooyinka ay u baahan yihiin loo fududeeyo.

























