Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Waxeey ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashda kuraasta taalla Caasimadd ee golaha shacabka, loona ilaalin lahaa daah furnaanta doorshada, isaga oo ugu baaqay in si dhaqsi ah loo xaliyo tabashooyinka ka jiro kuraasta qaar.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa u balan-qaaday Guddiga Doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aadan kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso gobolka Banaadir.












