Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kormeer ku tagay Idaacada Codka Caasimada ee Maamulka Gobolka Banaadir xilli uu socday barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dhiirrigelin u sameeyay tartamayaasha degmooyinka dharkeenley iyo Howlwadaag.
Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu arkay qalabka cusub ee Idaacadda ay keensatay, isagoo bogaadiyay shaqooyinka ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan
“Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda iyo wariyeyaasha ka hawlgala idaacadda, waxaan ku bogaadinayaa hawsha ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Sidoo kale, Waxa uu bogaadiyay tartan aqooneedka bisha Ramadaan oo sanad walba ay Idaacadda Codka Caasimaddu qavato, isagoo sheegay in degmadii ku guuleysata la guddoonsiin doono abaal-marin ay ku farxaan.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale oo kormeerkiisa Idaacadda Codka Caasimadda ay ku wehliyeen guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee Gobolka ayaa waxaa xilligaas socday tartan u dhexeeya degmooyinka Hawlwadaag iyo Dharkeynley.














