Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr. Joachim Waern.
Duqa Muqdisho iyo danjire Waern ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga, ka taageeridda barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo sidii dowladda Sweden ay u taageeri lahayd qorshaha maamulka Gobolka Banaadir ee xalka waara loogu raadinaayo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo danjiraha dowladda Sweden ayaa ka wadahadlay sidii dowladda Sweden iyo Dowladda Hoose ee Xamar isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta iyo mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Stockholm.














