Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda bini’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qaybo ka mid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa garoonka diyaaradaha ee Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.






































