Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa furay Salaasada Maanta ah hannaan casri ah (digital) oo fududeynaya lacagbixinta iyo wax kala iibsiga. Hannaan oo loogu magac daray SOMQR wuxuu ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed u sahlayaa inay si Digital ah lacagaha isugu wareejin karaan, iyaga oo isticmaalaya hannaanka SOMQR.
Adeegga lacag-bixinta degdega ah ee uu soo kordhinayo SOMQR waxaa ku midaysnaan doona bangiyada oo dhan iyo shirkadaha bixiya adeegga mobile money. Waxaa loo adeegsan doonaa wax kala iibsiga, lacag isu dirista, canshuur bixinta, iwm.
Guddoomiya Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo khudbad ka jeediyey xafladda daahfurka SOMQR ayaa yiri “waxaa sharaf noo ah inay noo suuro gashay hirgelinta SOMQR, oo wax badan kusoo kordhin doona hannaanka lacagbixinta dalka.
Tallaabadani waxay qeyb ka tahay casriyeynta iyo tayeynta adeegyada maaliyadda dalka, si’ay u noqdaan kuwo la jaanqaadi kara tignoolajiyada u dambeysay ee adduunku maanta isticmaalo. Ilaa hadda waddamo kooban oo Africa ah ayaa hirgeliyey hannaanka loo yaqaan ‘National QR Code’. Waxaynu hore u hirgelinay Hannaanka isku-xirka bangiyada dalka iyo qaadashada Lambar-xisaabeedka caalamiga ah ee loo yaqaan IBAN, oo adduunku inagu amaanay, abaal-marin caalami ahna ku helnay.”
Ugu dambeyn, Bankiga Dhexe ee Somalia waxaa ka go’an dib u habeynta, casriyeynyta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda dalka.




















































