Maamulka G/Banaadir Oo Deeq Gaarsiiyay Dad Barakacayaal ah oo Kunool Deegaanka Garasbaaley+Sawiro

0
362

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiirey Axmed Rooble ayaa Caawa Agab kala gedisan oo Deeq ah gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Kaam ku yaala Deegaanka Garasbaaley, kuwaasi oo kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka.

Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa mid mid u dul tagay qoysaska kasoo barakacay Gobolada dalka kuwaasi oo caawa Deeqdaasi la gaarsiiyay.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa sheegtay in iyagoo fulinaya Awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee caawa dadkaan soo gaarsiiyeen Deeqdaan isku tashiga ah, waxa ayna u mahadcelisay dhamaan Maamulada Degmooyinka, Deegaanada iyo Shacabka Magaalada Muqdisho oo suura geliyay in Agabkaan la helo, iyadoona dhinaca kale ugu baaqday Ganacsatada iyo Inta eebe wax siiyay in ay gacan ka geystaan sidii loo gargaari lahaa Bulshada kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha dalka ka jira ee soo maciin biday Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here