Kuxigeenka duqa Muqdisho ee dhanka Maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caanabooro) ayaa howlo kormeer ah ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo u kuurgalayay howlaha shaqo ee ka socdo degmooyinka.
Ujeedka Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa dadaalo uu wado gudoomiye Caanabooro oo lagu dardar gelinayo kobcinta dakhliga u soo xaroodo dowladda hoose ee Xamar.
Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Maxamu ayaa ganacsatada iyo bulshada gobolka Banaadir ugu baaqay inay fududeeyaan bixinta lacagta Canshuurta ah, si loogu fuliyo mashaariic hormarineed oo laga hirgelinayo magaalada Caasimadda ah.
Waxuu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu sharciga la tiigsan doono cidkasta oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay.














