Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Somalia ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale, waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka, waxa uuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. “



















