Tababar ku saabsan dowlad wanaagga oo lagu soo gaba-gabeeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
459

Tababar muddo lix bilood ah ka socday xarunta degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo xiray, waxaana ka faa’iideystay xubno u  badan maamulka degmada.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa dowlad-wanaagga, wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada iyo sidii looga hortagi lahaa khataraha sababi kara xasillooni darro amni iyo ka hortagga tacadiyada.

Muddadii uu socday tababarka ayaa lagu soo bandhigay faa’iidooyinka ay bulshada u leeyihiin wixii la baray xubnihii tababarka ka faa’iideystay, kaasoo ahaa mid baahi weyn loo qabay. Waxaana xubnihii nasiibka u yeeshay inay tababarka ka faa’iideystaan la siiyay shahaadooyin.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Xaabsay oo goobta ka hadashay ayaa ku boorrisay xubnihii ka qayb-galay tababarka inay bulshadooda ugu adeegaan wixii ay barteen, iyadoo goobta laga sheegay in tababarro noocan oo kale la qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here