Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay ganacsato iyo maal-gashadayaal u dhashay dalka Kuwait, kuwaas oo magaalada Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi u sameyn lahaayeen.
Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, xoghayaha guud, xildhibaanno, madaxda rugta hanacsiga Soomaaliyeed, guddoomiyaha egmada Cabdicasiis, sgaasimayaal iyo marti-sharaf kale.
Madaxda maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarrada iyo fursadaha maalgashi ee ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, maal-gashadayaasha reer Kuwait ayaa ugu mahad-celiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.



























