Dowladda Hoose oo gurmad u sameyay dad uu ku dumay dhismo qadiimi ah

0
475

Waaxda Gurmadka deg deg ah ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa gurmad deg deh ah u sameeyay qoysas danyar ah oo ku noola Dhisma Bateera oo ku yaala Waaxda 1aad ee Howd  Degmada Shingaani Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay 9-kalena weey ku dhaawacmeen, kadib markii uu soo dumaday dhismo qadiimi ah oo ay deganaayeen qoysas dan yar ah.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) oo gaartay goobta ay wax ka dheceen ayaa sheegtay in dad badan laga soo bad baadiyay burburka dhismaha, si wanaagsana loo soo samata bixiyay.

Gudoomiye Basmo ayaa ka mahadceliyay sida ay waaxda gurmadka deg deg ah dowladda hoose ay u soo bad baadiyeen dadka ay mashaqada ku qabtay dhismaha dumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here