Duqa Muqdisho oo Marti-qaad u sameeyay Culummada Soomaaliyeed: MUUQAAL + SAWIRRO

0
23

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho-sharaf ugu sameeyay culummaa’uddiinka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay Shirweynihii Culummada Soomaaliyeed ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo uu kasoo qayb-galay, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Xildhibaano, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Odiyaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Rugta Ganacsiga iyo marti sharaf kale.

Khudbado aaqiimo badan oo munaasabadda laga jeediyay ayaa lagu boogaadiyay doorka culummada Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo u iftiiminka bulshada Soomaaliyeed ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee Khawaarijta ugu been sheegtaan diinteenna suuban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here