Tababar ay ka qaybgalayaan 30 wariye oo ka kala socday warbaahinta maamulka gobolka Banaadir, tan dowladda dhexe iyo kuwa madaxa-bannaan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo ATMIS, waxaana muddada uu socdo lagu baran doonaa; badqabka suxufiga iyo ka fogaanshaha wararka been abuurka ah, waxaana casharro bixinaya khubaro saxaafadeed oo kala ah Maxamed Maxamuud Cadde, Yuusuf Xasan iyo Maxamed Guuleed oo IST ka tirsan
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo tababarkaan furay ayaa sheegay in ka fogaanshaha wararka been abuurka ah ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka iyo dadkaba.
“Waa wax laga xumaado in dadka in la dulmiyo shaqo laga dhigto, waxaana uga digayaa wariyeyaasha inay yeeshaan sifooyinka dadka noocaas ah, ayna ka fogaadaan wararka been abuurka ah,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Sidoo kale waxa uu sheegay in laga faa’iideysto khuburada casharrada bixinaya oo muddo fog kusoo jiray warbaahinta.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Idaacadda codka Caasimadda ee gobolka Banaadir, Cabdinaasir Xersi Iidle oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in laba qodob oo muhiim ah lagu qaadan doono tababarka muddada uu socdo, kuwaas oo kala ah brdqabka weriyaha iyo ka fogaanshaha wararka been abuurka ah waxaana loo baahan yahay in laga fogaado wararka been abuurka ah, waxaana wararkan dhibbane u ah siyaasiyiinta, ganacsatada, dadka caanka ah yo cid walba oo hormuud u ah bulshada.




























