Guddoomiye Madaale oo dhagax-dhigay Dhismaha Xafiiska Mashruuca Nagaad oo uu Maal-geliyo Bangiga Adduunka: SAWIRRO

0
416

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xafiiska mashruuca nagaad oo ah Xafiis ay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada mashruucan oo uu maal-geliyo Bangiga Adduunka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha xafiiskan uu wax badan ka tari doonno sidii loo dardar-gelin lahaa mashruuca Nagaad ee loo qorsheeyay in wax lagaga qabto dhismaha kaabayaasha isku-socodka dadweynaha, xal-u-helida biyo-mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa ka aha goobjoog guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, xiriiriyaha mashruuca Nagaad ee gobolka Banaadir Cumae Xuseen, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here