Guddoomiye Madaale oo Xarigga ka jaray Xarunta Degmada Kaaraan oo dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyay: SAWIRRO

0
477

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, guddoomiye ku-xigeennada gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ayaa xalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Ugu horeeyn waxaa munaasabadda xarig-jarka ka hadalay guddoomiyaha degmada Kaaraan, mudane Abshir Maxamed (Abshir Kaaraan) iyo agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta iyo maal-gashiga G/Banaadir, mudane C/qaadir Muxyadiin (Dalxa) iyaga oo sharaxaad ka bixiyay marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray dib-u-dhiska degmada iyo in xilligaan loo diyaariyay dhammaan xafiisyada lagu qaban lahaa adeegyada kala ay bulshada u baahan yihiin.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay inay maamulka gobolka Banaadir ka go’an tahay horumarinta kaabayasha adeegga bulshada oo ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka iyo xarumaha loogu adeego bulshada, isla markaana degmooyinka gobolka Banaadir lagu tartan siin doonno dib-u-dhiska iyo adeegyada ay u hayaan shacabka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here