Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Salaadda Jumco kaddib socdaal ku maray xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho waxa uuna kula kulmay qaar ka mid ah bulshada, si uu uga dhageysto talooyin ku aaddan horumarka iyo amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay bulshadii uu la kulmay in Maamulka Gobolka Banaadir u diyaar-garoobayo olole ku aaddan nadaafada iyo bilicda Caasimadda, maadaama la guda galay xilli roobaad, waxa uuna bulshada kula dardaarmay maamulada degmooyinka iyo deegaanada lagu garab-siiyo bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, isla markaana wada-shaqeyn dhaw lala yeesho maamullada iyo laamaha ammaanka si loogu hortago Garan-waaga iyo dhagarta Khawaarijta.













