Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayaa qandaraas muddo fog ah la saxiixatay weeraryahanka xulka Qaranka Jarmalka iyo kooxda Chelsea, Kai Havertz, sida lagu baahiyay qoraal kasoo baxay Arsenal.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacsiay in Arsenal ay Chelsea kaga iibaatay laacibka ka cayaara weerarka 65 milyan oo gini oo u dhiganta 82.63 milyan oo dollar iyo 5 milyan oo gini oo dheeraad ah.
Weeraryahankan ayaa ku sheegay hadal uu siiyay shabakadda Arsenal: “Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiro kooxdan cajiibka ah iyo inaan ka mid noqdo qoyska Arsenal, kooxdan waxay leedahay taariikh weyn, waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysan karno waxyaabo badan,”
Havertz oo 24-jir ah ayaa ku dhawaad 140 kulan u saftay Chelsea tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay in ka badan 30 gool, waxa uuna ka caawiyay kooxda inay ku guulaystaan Champions League 2020-21-kii iyo sidoo kale UEFA Super Cup iyo Club World Club 2021-kii.
Sidoo kale, Havertz waxa uu Chelsea kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen, bishii September ee sanadkii 2020-kii, halkaasoo uu ka soo bilaabay xirfadiisa ciyaareed.
Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal oo xilli cayaareedkii ugu dambeeyay si diqi ah lagaga qaaday koobka Horyaalka Ingiriiska, waxa ayna haatan ku jirtaa inay urursato cayaaryahanno la isku halleyn karo, si ay guul uga gaarto koobabka loo tartamayo xilli cayaareedka soo socda.













