Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa la hadlay qaar ka mid ah shacabka fobolka Shabeelaha Dhexe ku nool, waxa uuna ku boorriyay in ay ka qaybqaataan dagaalka khawaarijta.
Duqa Caasimadda ayaa waxa uu sheegay inay lama huraan tahay im loo midoobo dagaalka dalka looga xoreynayo cadowga diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si bulshadu ay xor uga noqdaan cadaadiska ay ku hayeen Khawaarijta iyo inta la hal maala.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jira cadowga.












