Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb-galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-tagga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.
Shirka ayaa looga hadlay hannaankii loo yareyn lahaa saboolnimada iyo faqriga, iyada oo lagu jaangoynayo qorshaha xukuumadda #DanQaran ee yaraynta saboolnimada iyo faqriga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda qorshahan u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo aan warbixinno sugan laga hayn heerka saboolnimada ee dhinacyada badan leh.
Ugu dambeyn, Shirka oo ay soo agaasintay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa waxa qayb ka ahaa hay’adaha Somalia ka taageera arrimaha bani’aadantimada iyo ka hortagga yaraynta saboolnimada.















