Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku biiray Kulanka Wadatashiga Madaxdii hore iyo Siyaasiyiinta oo maanta la guda-galayo Ajendeyaasha muhiimka ah ee looga doodayo shirka.
Kulanka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS. Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxdii hore iyo siyaasiyiin kale. Iyada oo looga hadlaaya xaaladda guud ee dalka iyo sidii aragti mideysan looga yeelan lahaa arrimaha muhiimka u ah dalka.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa looga tashanayaa arrimo ay ka mid yihiin hannaanka doorasho ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo qodobbo kale oo muhiim u ah masiirka dalka.



























