SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Gudoomiyay shir looga hadlay Qorshaha Horumatinta Qaranka ee Sanadka 2024-ka

0
563

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shirka wadatashiga dib-u-cusbooneysiinta qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad ee sandka 2024-ka oo ay fulinteeda iska-kaashan doonaan maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaan agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka XFS, agaasimaha guud ee Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar iyo mas’uuliyiin kale ayaa diirrada lagu saaray soo gudbinta waxyaabihii u qabsoomay maamulka gobolka Banaadir, baahiyaha waaweyn ee hortabinta u leh horumarinta gobolka si loogu daro qorshaha Qaranka 9-aad ee sanadka 2024-ka iyo in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda qorsheynta Qaranka

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa bogaadiyay tallaabooyinka socda ee lagu xoojinayo horumarinta caasimdda iyo in lala jaanqaado qorshaha horumarinta Qaranka, iyadoo la siinaayo hortabin Qorshaha u degsan ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here