Agaasinka Caafimaadka G/Banaadir oo soo Gaba-gabeeyay Tababar ku aaddan soo nooleynta Faya-dhawrka: SAWIRRO

0
242

Agaasimaha caafimaadka ee gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa soo gaba-gabeeyay tababar laba maalmood socday oo loogu tala-galay shaqaalaha ku hawlan soo nooleynta adeegyada faya-dhowrka ee degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ka dhacay Muqdisho, ayaa diiradda saarayay kor u qaadidda tayada adeegyada faya-dhowrka iyo adeegga bulshada ee wax ku oolka ah ee qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa bogaadiyay shaqaalaha caafimaadka ee sida aadka ah ugu heellan shaqadooda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in aqoonta la kasbaday intii tababarka socday loo adeegsado hagaajinta natiijooyinka caafimaadka bulshada. Waxa uuna dhiirri-geliyay shaqaalaha inay aqoonta muhiimka ah ku dabaqaan shaqada fayadhwor oo ay u haayaan bulshooyinka ay u adeegaan.

Ugu dambeyn, Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa dhawaan dib u billaabay barnaamijka adeegyada faya-dhowrka, iyadoo qorsheynaysa in adeegyadan daruuriga ah loo ballaariyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here