Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Hawlgallo Qorsheysan oo laga fuliyay Gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose

0
321

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kuwaasoo ka dhacay gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa hor-joogihii deegaanka Bariirre iyo horjoogihii boobka dadka beeralayda ah khawaarijta u qaabilsanaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Saabir.

Labada horjooge ee la dilay ayaa ka mid ahaa dembiilayaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gaboodfallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, hawlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Khawaarijta kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin ay ku lahayd Khawaarijtu dulleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka goโ€™an ciribtirka kooxaha Khawaarijta oo weli dhibaatooyin ka wada deegaanno ka tirsan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here