AKHRISO: Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo wax ka bedel ku sameeyay sanad-dugsiyeedka 2023-ka/2024-ka

0
369

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa wax ka beddel ku sameeyay waxbarashada sanad-dugsiyeedka Iskuullada Muqdisho, waxaana la kordhiyay maalmaha la dhiganayo Iskuullada oo markii hore ahayd shan maalmood, basle laga dhigay lix casho.

Bayaan kasoo baxay AWGB ayaa lagu yuri: “Innagoo fulinayna warqadda sumadeedu tahay WWH&TS/XW/114/07/2023 ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, gudanayana waajibaadkiisa, waxa uu ku wargelinayaa maamullada dugsiyada iyo hay’adaha waxbarashada Gobolka Banaadir in wax ka beddel lagu sameeyay sannad dugsiyeedkan 2023-2024.”

Sidoo kale, Qoraalka oo Wargelinta ah ayaa lagu xusay in Sannad dugsiyeedkan uu furmi doona 2-da Sebtembar 2023-ka, waxa uuna xirmi doona 6-da Juun, 2024-ka.
Waxaa kaloo la kordhiyey maalmaha la dhiganayo casharada oo laga dhigay lix maalmood (Sabti – Khamiis) ee asbuuca si loo dhamaystiro Manhajka.

Ugu dambeyn, Agaasinku wuxuu sheegay inay ku wargelinayaan dhammaan maamullada dugsiyada, macallimiinta, waaliddiinta, ardayda iyo bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir inay dhaqan-geliyaan wax ka beddelka lagu sameeyey jadwalka waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here