Mas’uuliyiin ka Qayb-galay Qori-tuurka Tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
312

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha XFS, mudane Maxamed Barre ayaa ka qayb-galay munaasabadda qori-tuurka tartanka kubadda gacanta ee degmooyinka iyo deegaanadda gobalka Banaadir.

Tartankan oo ay ka qayb-geli doonaan kooxo kala matalaya degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo magaalada Muqdisho, sida uu madasha ka sheegay guddoomiyaha isboortiga G/Banaadir, mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta, mudane Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow), guddoomiyaha degmada Hodan, mudane Cali Axmed Faarax, guddiyadda isboortiga gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here