Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa kulan dhiirri-gelin ah u sameeyay cayaartoyda, macallimiinta iyo maamulka xulka kubada cagta ee gobolka Banaadir, kaddib guushii ay ka gaareen shalay kulankii ay la cayaareen xulka kubadda cagta Galmudug.
Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa macallin Daadir Amiin ku wareejiyay lacag dhan 5,000 oo doollar, taas oo lagu dhiirri-gelinayo xulka kubadda cagta gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha degmada Xamarweyne, guddoomiyaha ururka haween gobolka Banaadir, agaasimaha guud ee arrimaha bulshada, agaasime waaxeedyo, maamulka isboortiga gobolka Banaadir, taageerayaal iyo marti sharaf kale.

























