Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xilalka uu kula wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha XFS, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo ku-simihii wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali (Xagaa).
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in wasaaradda amnigu ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo-aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hey’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.
Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wasiir-u-dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xildhibaanno, agaasimaha hay’adda NISA, taliyaha booliiska, agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda.

































