Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya hawlgallada dib loogu xoreynayo deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Xasan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusomareeb, isaga oo gacan-qaaday qaaday saraakiil ciidan, culumaa’uddiin iyo shacan kala duwan, waxaana soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inuu dib ugu laaban doono magaalada Dhuusomareeb si uu dib ugu billaabo hawlgalada Soomaaliya looga xoreymayo Khawaarijta.















