Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho sharaf ugu sameeyay xalay wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti-qaad rasmi ah ka haysta maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud, wasiirro ka tirsan XFS, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Ugu dambeyn, Maamulka G/Banaadir ayaa munaasabadda kusoo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, kaasoo ku dhisan dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi, iyada oo wafdiga dalka Cumaan ka socda ay ka mahad-celiyeen sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.