SAWIRRO: Duqa Muqdisho oo Kulan la Qaatay Safiir ku xigeenka Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya

0
403

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay safiir ku xigeenka safaaradda Suudaan, ahna sii-haayaha safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab. Duqa Magaalada ayaa kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerida walaaltinimo ee had iyo jeer la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’iideysiga dhanka Aqoon iyo xirfad ee labada caasimadood, mataaneynta, tababbaridda iyo maalgeshiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu qabto shirweyne maalgeshi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasoo diiradda lagu saarayo maalgashiga warshadaha iyo adeegyada asaasiga ah ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here