Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta weyn ee Expo Doha 2023 oo ah xarun ay ku mideysan yihiin 127 dowladood, kuwaas oo loogu talagalay in dal kasta uu xaruntan kusoo bandhigo waxyaabaha uu caanka ku yahay sida Hido-dhaqmeedka, wax-soo-saarkooda iyo taariikhdooda.
Guddoomiye Madaale ayaa maamulka sare xaruntan Expo Doha 2023-ka ka dhageestay warbixinno la xariira xaruntan iyo waxa ay u taagan tahay, waxa uuna warbixinta kaddib sheegay in Soomaaliya ay tahay dal barwaaqo ah oo leh wax-soo-saar ballaaran oo waddamo badan oo caalamka ka tirsan loo iib geeyo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo maamulka Expo Doha 2023 ayaa isla soo qaaday sidii loo abuuri lahaa fursado iskaashi ah oo lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS ee Muqdisho.

























