Duqa Magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Dowladda Hoose ee Xamar: SAWIRRO

0
430

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa loogu hadlay dardar-gelinta hawlaha shaqo ee maamulka Gobolka Banaadir, fulinta Qorshe Hawleedka, Isla xisaabtan ku aaddan hufnaanta shaqo iyo adeegyada loo haayo bulshada.

Sidoo kale, waxaa kulanka loogu hadlay la-dagaalanka maandooriyaha iyo fulinta awaamiirta Duqa Caasimadda ee ka dhanka ah goobaha lagu gado iyo goobaha lagu isticmaalo maandooriyaha.

Duqa Muqdisho ayaa faray agaasinka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir sare u-qaadidda barnaamijyada wacyigelina ee bulshada.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray guddiga maareynta Mooto Bajaajta, in la dardar-geliyo diiwaan-gelinta iyo midabeynta Bajaaj-yada Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here