Tartan loogu magac-daray Hirgeli Hibadaada oo laga daahfuray Muqdisho: SAWIRRO + MUUQAAL

0
346

Kulan ujeedkiisu ahaa tartan faneedka (Hirgeli Hibadaada) ayaa maantavlagu daahfuray Tiyaatarka Qaranka, waxaana furitaanka tartankan goobjoog ka ahaa; Abwaanno, aqoonyahanni, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Tartanka ayaa waxaa furay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxman Yuusuf Sheekh oo sheegay in tartankaan uu yahay mid la doonayo in dhalliyarada Soomaaliyeed ay ku soo bandhigaab hubadooda faneed.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qorshaha tartankan uu yahay in dadka Afmaalka ahay kusoo bandhigaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada Khawaarijta oo dhibaato badan ka geysatay dalkeenna iyo in Suugaanleyda ay cabir guud ka bixiyaan sida aan u ilaashan karno dhaxalkeenna sida; diinteenna suuban, ciideenna, calankeenna iyo xuduudeenna.

Abwaan Cabdidhuux oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in cid walba oo tartanta laga doonayo inay soo bandhugto hibadeeda suugaaneed, loona tixgelin doono qof walba hibada uu ku soo bandhigo tartanka.

“Waxaan ballanqaadaynaa inaanay halkaani ka dhicin eex oo qof walba uu xaqiisa heli doono” ayuu yiri Abwaan Cabdidhuux oo intaas raaciyay. “Sidoo kale qof walba oo saxa godadka, qaafiyadda iyo miisaanka maansada, maba dhicin, laakiin heerarka ayaa kala baddalnaan kara oo kow, laba iyo saddex ayaa la kala geli karaa”.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa qiray in tartan noocan oo kale loo baahnaa, ayna rajeynayaan inay kusoo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo leh hibo suugaaneed oo guubaabiya shavcabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here