Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Bagdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo lagu wado in maanta uu ka furmo shirka magaalooyinka iyo caasimadaha waddamada Carabta.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horreeyo wakiilka caasimadda Bagdaad ee arrimaha maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay waddanka Ciraaq waxa uu kulammo la qaadan doonaa madaxda dalkaas iyo madax ka socda caasimadaha waddamada Carabta ee ka qayb-galaya shirka.















