Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa Shir Guddoomiyay Kulan looga Hadlayay Dib u Dajinta Qoysaska Barakayaasha ah ee Jooga Caasimadda

0
529

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda G. Banaadir Md. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanaboore ayaa gudoomiyay shir looga hadlayay halka ay marayaan mashaariicda ay Gobolka Banaadir ka gacan siinayaan hay’adaha UNDP iyo UN Habitat oo uu kamid yahay mashruuca dib u dajin oo guryeeyn loogu samaynayo ilaa 300 qooys oo ka mid ah Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Caanaboore iyo Madaxda Heyadaha ayaa ka wada hadlay xarunta kobcinta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo ah Xarun lagu tababaro dadka ganacsatada cusub ee doonaya in ganacsigoodu guulaysto iyo sidii xaruntaasi loo balaarin lahaa si ay u sii wado hawlaha kobcinta ganacsiga.

Gebagebadii waxaa la isla gartay in la sii xoojino Wada shaqaynta iyo daadajinta hawlaha ay Heyadaha UNDP uyo UN HAHITAT kala shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here