Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-hawlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maal-geliso dowladda isutagga imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.














