Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo Maanta si Rasmi ah ula Wareegay Xilka: SAWIRRO

0
214

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, waxaana xilka ku wareejiyay sii-hayihii ahna wasiiru dowlaha wasaaradda, mudane Cali Cumar (Cali Balcad).

Mudane Axmed Fiqi oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uga mahad-celiyay inay u garteen in loo magacaabo xilkan cusub si aan qaranka ugu adeego, waxaa uu ballan-qaaday xoojinta kaalinta dublamaasiyadda iyo muuqa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo xusay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda Qaranka Soomaaliyeed marka la joogo fagaarayaasha caalamka.

Sidoo kale. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xilka la wareegay xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin ay u baahan yihiin dano badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamka.

Xil-wareejinta kaddib, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo hawlwadeennada wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo qorshayaasha u dagsan sanadkan.

Ugu dambeyn, Danjire Fiqi oo ka tirsanaa wasaaraddan arrimaha dibadda, haystana khibrad in ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay hoggaanka sare ee heerarka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana soona noqday safiirka Somalia ee Sudan, taliyaha NISA, wasiirka amniga Galmudug, shaqadan cusub ka horna ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dardar-geliyo siyaasadda arrimaha dibadda, isla markaana uu soo celiyo kaalintii Somalia ay kaga jirtay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here