Guddoomiye Basmo oo ka qeybgashay kulan looga hadlaayay Socdaalka

0
419

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa ka qeyb-gashay shir ay isugu yimaadeen Hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh bixinta Dukumentiyada socdaalka oo ay Dowladda Hoose ee Xamar ey qeyb ka tahay.

Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa dukumeentiyada been abuurka ah ee loo adeegsado qaadashada baasaboorka iyo waraaqaha safarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here